Customer Service Information - Somali

Daryeelka Macmiilka ayaa halkan kuugu diyaar si uu kaaga jawaabo su'aalahaaga. Fadlan dib u eeg kuwan soo socda ka hor intaanad la xidhiidhin adeega macmiilka.

 Tilifoonka: Wac 1-866-239-0843 waxaanad heli doontaa khiyaarka minyuuga degdega ah inaad dooratid. Markaad dooratid, wicitaankaaga waxa la galin doonaa sugitaan waxaanad maqli doontaa muusig. Wicitaankaaga waxaa si toosa loo galiyey kuyuu waxaana loogu xidhi doonaa wakiil nidaamka kala horeynta ee loo helo. Waxaa naga go'an caawinta dhamaan muwaadiniintayada. Fadlan ogow in qaar shirkadaha isgaadhsiinta ah ay waajahayaan laydh la'aan ama fariinta "dhamaan khadadku waa mashquul". Tani waxay la xidhiidhaa shirkadaada isgaadhsiinta oo maaha xaruntayada wicitaanka wakiilka. Fadlan iskuday mardanbe inaad soo wacdid ama isticmaal shirkad isgaadhsiin kale.

Iimayl u dir:  uiclaimshelp@iwd.iowa.gov  Maclumaadkan soo socda WAA in lagu daraa si loo helo jawaab dhakhso ah:

  • Magacaaga oo dhameystiran, oo uu ku jiro xarafka koobaad
  • 4 god ee ugu danbeeya lambarkaaga adeega bulshada
  • Taariikhdaada dhalashada
  • Ciwaankaaga iimaylka oo dhameystiran
  • Fadlan ogow inaan kaliya usii dayn karno macluumaadka cabowdaha ama shaqaaleysiiyaha.  Hadii iimayl u diraysid wakaaladayada oo qof matalaya, kuma siin karno wax macluumaada. 
  • Hadii aad mar horeyba gudbisay iimayl oo aad sugeysid jawaab, fadlan ha dirin codsiyo koobiyaha.  

Shakhsiyan:  Xarumaha SHAQADA lowa waxay raacayaan Waaxda tilmaamaha Caafimaadka Dadweynaha lowa ee kala fogaanshaha bulshada.  Xafiisyada kaliya waxaa loo furi doonaa macaamiisha leh balamaha ama si loo aqbalo xaqiijinta aqoonsiga.  Waxaanu kugu dhiiri galinaynaa inaad kusoo gudbisid dukumentiyo xaqiijin aqoonsi halkan. 

COVID-19 (Karoonfayras) iyo Kabka Caymiska Shaqo La'aanta ee Shaqaaleysiiyayaasha (FAQs for Workers)

COVID-19 (karoonafayras) iyo Kabka Caymiska Shaqo-La'aanta ee Shaqaaleysiiyayaasha (FAQs for Employers)

Individual